
Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hadashay siyaasiyiinta mucaaradka ee hubka iyo gaadiidka dagaalka ku dhex wata magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, taasi oo ay digniin culus ka soo saartay.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta Garoowe kula hadlay ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay joojiyaan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee gelbinaya oo aysan khalkhal gelin ammaanka Magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland.
“Siyaasiyiintu hayska daayeen tiknikada ay magaalooyinka la soo gelayaan, nin siyaasi ah oo dalkiisii ku soo laabtay oo doonaya 20 Tikniko ah in lagu soo dhaweeyo xikmada kujirta garan maayo, nidaamka dowliga ah shaqada ha loo daayo” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Garoowe waxaa dhawaan gaadiid dagaal lagu soo dhaweeyey Guuleed Saalax Barre oo ahaa musharixii wareegga ugu dambeeya ee doorashadii 2024 ay isla gaareen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.