Puntland oo ku dhawaaqday in uu guul ku soo dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad

Dowladda Puntland oo bayaan kooban soo saartay ayaa ku dhawaaqday in uu si guul ah ku soo dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad kaddib markii ciidamadu si buuxda saaka ula wareegeen Taliskii Miraale ee mileeshiyaadka Daacish.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Warfaafinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland ay guud ahaan la wareegeen Ceelka Miraale oo ay ku dhuumanayeen firxadkii ka harsanaa mileeshiyaadka Daacish, kaddib markii ciidanku saaka ku qaaday hawlgal cir iyo dhul ah.

“Ciidanku wuxuu la  wareegay taliskii  firxadkii Argagixisada Daacish ee Togga Miiraale, Ceelashii xarunta u ahaa kii u danbeeyayna hadda laqabtay, Hawlgalku waa Cir & Dhul, Wejigii 3-aad ee hawlgalka ayaa Guul kusoo dhammaaday” ayuu yiri xafiiska xafiiska Warfaafinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo bayaankaasi soo saaray.

Firxadkii ka baxsaday mileeshiyaadkii Daacish ee lagu jebiyay dagaalka ayaa saaka u cararay dhinaca togga Baalade gaar ahaanna “SADOW&Yucurun” oo ay horay ugu dhuumanayeen qaar kamid ah hoggaamiyaasha kooxda ee baxsadka ah.

PUNTLAND POST