
Madal la baxday Samata-bixinta Mucaaradka oo looga dhawaaqay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa fiidnimadii Caawa soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu laalay dastuurkii iyo sharcigii dalka, islamarkaana wiiqayo heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka, kuwaasoo ka soo billaawday shirarkii Carte iyo Mbaghati.
Madashu Waxay sidoo kale walaac ka muujisay sharciyada maamul goboleedyada oo muddo xileedkooda dhammaaday, sida dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, taasoo khilaafsan dastuurka dalka iyo midka dowlad Gobolleedyada, waxaana ay tilmaameen Muddo kordhinta sharci darrada ah, ku biirista Xisbiga Madaxweynaha iyo burburinta Madashii Wadatashiga Qaran ay tilmaam cad ka bixinayaan damaca kalitalis ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorshihiisa muddo kordhin iyo xaqiijinta doorasho kaligii ku guulaysan karo.
“Sharciyada Maamul Gobolleedyada: Shirku wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa muddo dhaafka xileed ee dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, taasoo khilaafsan dastuurka dalka iyo midka dowlad Gobolleedyada. Muddo kordhinta sharci darrada ah, ku biirista Xisbiga Madaxweynaha iyo burburinta Madashii Wadatashiga Qaran waxay tilmaam cad ka bixinayaan damaca kalitalis ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorshihiisa mudo kordhin iyo xaqiijinta doorasho kaligii ku guulaysan karo.”
“Ku Takrifalka awoodda, eexda iyo Musuqmaasuqa: Madashu waxay si adag u canbaaraynaysaa ku takrifalka awoodda dowladda, musuqa iyo eexda baahday, xaraashka dhulkii dowladda ee danta guud, heshiisyada qarsoodiga ah ee ku aaddan khayraadka dabiiciga ah ee batroolka, macdanta, iyo kalluunka, u sinnaan la’aanta fursadaha shaqo, kunturaadaha, mashruucyada horumarineed ee dalka iyo adeeg la’aanta bulshada” ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka ka soo baxay Madasha.
Halkaan ka akhriso Warmurtiyeedka oo dhan




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.