
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ku qabtay eedaysane loo haysto in uu ka tirsan yahay firxadkii mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish.
Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo hawlgal ka sameeyay Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay eedaysanaha loo haysto in uu yahay firxadkii Daacish oo baxsad ah kaasi oo aan weli magaciisa la shaacin islamarkaana baaritaan lagu hayo.
Ilo wareedyo amni oo ka tirsan ciidamada ayaa sheegaya in eedaysanahan uu magaalada soo galay saacado yar ka hor inta aan la qaban balse weli waxa socda baaritaan ku saabsan kiiska loo haysto si loo xaqiijiyo macluumaad intaasi ka badan.
Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa dhawaanahan hawlgallo joogta ah ka sameeya magaalada kuwaasi oo lagu beegsanayo kooxaha Ciyaal-weerada loo yaqaan iyo sidoo kale firxadkii Daacish ee inta rayid isu ekaysiiyaan soo galaya magaalada kaddib markii ay ku jabeen goobihii dagaalka Calmiskaad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.