
Ciidamada difaaca Puntland oo aroornimadii hore ee saaka qaaday weerar dhawr jiho ah ayaa guud ahaan gacanta ku dhigay Taliskii Miraale, oo ay ku dhuumanayeen firxadkii u danbeeyay ee mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish.
Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ay weheliyaan diyaaradaha dagaalka ayaa saaka u daatay Taliskii Ceelka Miraale, halkaasi oo ay ku go’doonsanaayeen firxadkii u danbeeyay ee mileeshiyaadkii burburay ee Daacish, kuwaasi oo hadda u sii cararay dhinaca togga Baalade.
Diyaaradaha dagaalka ciidamada difaaca Puntland ayaa dawr weyn ka qaatay hawlgalkii guulaystay ee saaka, iyadoo weli ciidamadu wadaan hawlgal sifayn iyo miino-baaris ah, islamarkaana waxa la filayaa in Taliska Ciidamada Puntland soo bandhigay qabashada Ceelka Miraale oo ka dhigan in uu dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad.
Wararku waxay sheegayaan in firxadkii u danbeeyay ee Daacish ay u baxsadeen dhinaca Boosaaso u dhaw gaar ahaanna halka lagu magacaabo Sadow oo dhacda togga Baalade horayna ay ugu dhuumanayeen qaar kamid ah hoggaamiyaasha kooxdaasi dabar-go’day ee Daacish.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.