
Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa xukuumadda Puntland in ay qaaddo tallaabooyin deg deg ah oo lagu wajahayo aafada Tahriibta oo dhawaanahan xargaga goosatay.
“Xukuumadda Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu wajahayo aafada tahriibta, lana yimaadaan qorsheyaal xoojinaya kalsoonida dhallinyarada oo ay ugu horreyso in si caddaalad leh loo maamulo fursadaha shaqada, maalgashiga iyo mashaariicda horumarinta” ayuu yiri siyaasi Guuleed Saalax Barre.
Wuxuu sidoo kale tacsi u diray dhalinyaradii tahriibtay ee ku geeriday badda u dhexaysa Spain iyo Algeria”Murugada waxaan la qeybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay tacsidu u taallo ee ubadkoodu ay ku geeriyoodeen badda u dhaxaysa Aljeeriya iyo Spain.”
“Tiirayanda tacsidan waxaa si gaar ah looga dareemayaa guri kasta oo Puntland ah, maadaama dhallinyarada badankood ay ka soo jeedeen deegaankan, taas oo muujinaysa dhibaatadu ay tahriibtu ku hayso Puntland” ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.