Ciidamada Puntland oo saaka hawlgal xooggan ka wada buuraha Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka hawlgal ciidan ku qaaday aagga Walinsoor ilaaa Il&Cameyra, halkaasi oo lagu sheegay firxad ka tirsan mileeshiyaad Daacish.

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal dhawr jiho ah ku qaaday nawaaxiga Walinsoor iyo Il&Cameyra, waxaana wararku sheegayaan im ciidamadu cagta mariyeen keydad Raashin ah oo kooxdaasi ku qarsadeen togga Il&Cameyra.

Dhinaca kale, diyaaradaha dagaalka ciidamada Puntland ayaa saaka gaaf-wareegaya dhammaan aagaga lagu tuhmayo in ay ku dhuumanayaan firxadka argagixisada Daacish, gaar ahaanna togga Miraale iyo nawaaxigiisa.

PUNTLAND POST