
Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa dib loogu dhigay bannaanbax nabadeed oo loo ballansanaa in uu Jimcaha berri ah ka qabsoomo magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ay qaban-qaabinayeen dhalinyarada Gobolkaasi.
“Kadib markii aan qiimaynay diyaargarawga ay ubaahan yihiin hay’addaha sugaya amniga banaanbaxa oo aan waqtigu ku filayn. Kadib markii aan dhagaysanay xubnaha golaha Wasiiradda oo noocadeeyay inay gobolka u yimaadeen ka jawaabida Tabashada Bulshada Gobolka. Sidaas darteed waxaa guddiga amniga gobolku go’aamiyay in banaabaxaas dib loo dhigo illaa amar dambe” ayaa lagu yiri go’aankaasi.
Banaanbaxaas oo ay dhalinyaradu ku sheegeen mid ay ku muujinayaan cabashadooda ku aaddan baahiyaha ka jira Gobolka Mudug gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo ayaa sida lagu sheegay go’aanka dowladda waxaa loo baajiyay sababo amni.
Roobabkii dhawaan ka da’ay Gaalkacyo ayaa sababay in ay xirmaan goobo waxbarasho, suuqyo, iyo xaafado badan oo ka mid ah magaalada, kuwaasi oo biyo fariisin noqday, islamarkaana aysan dowladdu waxba ka qaban, siday tilmaamayaan dhalinyarada Gobolka Mudug oo cabasho ka muujinaya xaaladda liidata ee ka jirta Gaalkacyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.