
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka mileeshiyaad hubaysan weerar ku qaadeen xabsiga weyn ee waqooyiga Gaalkacyo, halkaasi oo ay ku xiran yihiin maxaabiis kala duwan oo qaarkood dil ku xukuman yihiin.
Mileeshiya-beeleedkan oo doonayay in ay xabsiga kala baxaan xukmane dil loo haysto ayaa is rasaasayn xooggan dhexmartay ilaalada xabsiga weyn ee Gaalkacyo, taasi oo sababtay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, inkastoo aan weli xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in rasaastu hadda istaagtay, hase yeeshee weli lama xaqiijin in maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday ay ku guuleysteen in ay la baxaan maxbuuskii ay doonayeen oo horay maxkamad ugu xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay kiis dil ah oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Mudug.
Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo ayaa horey dhowr jeer loogu qaaday weerarro la mid ah midkan. Afar bilood ka hor ayay ahayd markii weerar la mid ah midkan lagu qaaday xabsiga Gaalkacyo, iyadoo maleyshiyaad doonayay inay si xoog ah u sii daayaan maxaabiis uu sababay weerarkaasi dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.