Madaxweynaha Puntland oo tacsi ugu tegey Qoyska marxuum Maxamed Siciid Moorgan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa xalay ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo shalay galab ku geeriyooday Nairobi.

Qoyska uu Madaxweyne Deni la kulmay waxaa ka mid ahaa, General Maslax Maxamed Siyaad Barre, xaaskii marxuum Moorgan marwo Canab Maxamed Siyaad  iyo wiilka marxuumku dhalay Samatar Maxamed Saciid Moorgan, siday sheegtay Madaxtooyada Puntland oo qoraal soo saartay.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital Nairobi qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha waxaa booqashada ku wehelinayay Wakiilka Puntland ee Kenya Maxamed Axmed Fagalade.”

“Madaxweynaha ayaa Qoyska uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi Allah ha u naxariistee General Moorgan, oo waddankiisa muddo dheer usoo shaqeeyey, isagoo Alle uga baryay in uu u naxariisto, jannadii Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed-ba samir iyo iimaan ka siiyo” ayay Madaxtooyada Puntland ku tiri qoraal ay soo saartay.

PUNTLAND POST