
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladdu macdan ka qodayso buuraha silsiladda Golis ee Calmiskaad iyo Calmadow oo dhaca Bari iyo Sanaag.
Wasiir Maxamuud Caydiid oo su’aal laga weydiiyay wararka ku saabsan macdan qodista ee dhawaanahan ka socday baraha bulshada ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been-abuur iyo borobagaandho ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh oo diiddan in argagixisada laga saaro buuraha Calmadow iyo Calmiskaad.
“Ma jirto macdan baaris ama macdan qodis dowladda Puntland ka samaynayso buuraha Calmiskaad iyo Calmadow waa been abuur iyo borobagaandho ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh oo diiddan in argagixisada laga saaro buurahaas. Waxay ka xun yihiin in Puntland keligeed ka adkaatay argagixisadii buuraha ku jirtay.”
“Kuwa dowladnimada Puntland diiddan ayaa mar kasta ku soo gabbada in macdantii buuraha ku jirtay dowladda Puntland u socoto, si ay marin-habaabin ugu sameeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Markii hawlgalka Calmiskaad bilaabanayay xitaa beentaasi bay akhrinayeen” ayuu yiri wasiir Caydiid.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.