
Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaannada Xal iyo Walinsoor ee buuraha Calmiskaad ayaa halkaasi ku dilay xubno ka tirsan firxadka argagixisada Daacish waxaana ay gubeen raashin iyo agab kale oo godad ugu keydsanaa argagixisada.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal qorshaysan oo ciidamadu ka fuliyeen degaannada Xal iyo Walinsoor ee buuraha Calmiskaad ay ku dileen xubno ka tirsan firxadka mileeshiyaadka Daacish.
“Ciidanka difaaca Puntland oo ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa maalmhaan howlgalo ka wada deegaanada xal iyo walinsoor oo ay ku dileen xubno ka mid ah firxadka kooxda argagixisada ah ee daacish waxayna ka gubeen raashin iyo agab kale oo ay godadka ku qarsanayeen” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.