
Hormuudka dhalinyarada Gobolka Mudug ayaa xalay ku dhawaaqay in ay Jimcaha Todobaadkan qabanayaan bannaan-bax nabddoon, oo ay ku muujinayaan dareenkooda ku saabsan baahiyaha ka jira Gobolka, gaar ahaanna magaaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha gudddiga qabanqaabada bannaan-baxa nabaddoon, Jacfar Yuusuf Cabdalle ayaa sheegay in ay bannaanbaxaasi ku qabanayaan garoonka Ciyaaraha ee Cawaale Stadium maalinta Jimcaha ee ku beegan 30 bisha May, si ay ugu muujiyaan dareenkooda baahiya ka jira Gobolka Mudug gaar ahaanna Gaalkacyo.
“Waxaan shaacinaynaa oo u sheegaynaa bulshada Gobolka Mudug in maalinta Jimcaha ee 30 bishan May 2025 galabteeda saacadduna tahay 2:30pm in Reer Gaalkacyo isugu yimaadaan garoonka Cawaale Stadium. Bulshada Reer Gaalkacyow dhammaantiin waxaad ogtihiin Hormar la’aanta iyo biyaha magaalada ka buuxa” ayuu yir Jacfar Cabdalla.
“Dowladda waxaan ugu baaqaynaa, waan ku celinayaa dowladd waxaan ugu baaqaynaa in ay nagala shaqayso isu soo baxan waa isu soo bax nabdoon in ay nagala soo qayb galaan oo dhegeystaan hadday noqon lahayd heer wasiir, heer Gobol iyo heer degmo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa guddoomiyaha gudddiga qabanqaabada bannaan-baxa nabaddoon Jacfar Cabdalle.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.