
Mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa beeniyay wararka ku saabsan in mooshin xubin ka xayuubin laga wado guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, haddana ah xildhibaan kamid ah golaha, Cabdirashiid Yuuuuf Jibriil.
Xildhibaan Nasiib Muuse oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa been-abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in golaha laga saarayo, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaddib markii uu ku biiray siyaasiyiinta mucaaridsan xukuumadda Siciid Deni, islamarkaana taageersan in gobolka Sanaag laga hirgeliyo maamul ka baxsan Puntland.
Xildhibaan Nasiib oo su’aal lagu weydiiyay kulan dadweyne oo ka qabsoomay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in aysan jirin wax la xiriira xilka qaadista guddoomiye hore Cabdirashiid oo loo soo gudbiyay Baarlamaanka” warkaasi xilka qaadista Cabdirashiid ma ogin mana maqal, waxaan ka soo qaadaynaa war aan macquul ahayn oo aan jirin” ayuu yiri Nasiib Muuse.
“Ma jirto annaga in ay qorshaha noogu jirto in aan Cabdirashiid iyo cid kale oo xildhibaan ah xilka qaadis ku samayno. Waddanku dastuur buu lee yahay, qof aan dastuurka iyo jiritaanka Puntland caqabad ku ahayn, oo aysan soo eedeyn xeer ilaalin iyo maxkamad cid ku xad-gudbi kartaa ma jirto” ayuu sii intaasi ku daray xildhibaan Nasiib Muuse.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.