Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo galabta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya

Alle ha u naxariistee, waxaa galabta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyooday Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo kamid ahaa La-taliyaasha Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Geerida Gen. moorgan oo dhawaanahan ku xanuunsanaa magaalada Nairobi waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka iyo xukuumadda Puntland, kuwaasi oo qoyskii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Alle ha u naxariistee, wuxu ku dhashay magaalada Qardho sannadkii 1949, waxaana uu Waxbarashada Hoose iyo Dhexe ku soo qaatay dugsiga hadda loo yaqaan ee Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso, halka uu dugsiga Sare kaga baxay magaalada Muqdisho, kaddibna uu Ciidamada ku biiray Sannadkii 1967, isagoo Tababarro ciidan oo heerkoodu sarreeyo ku soo qaatay dalal ay ku jiraan Ruushka iyo Mareykanka.

Gen. Moorgan wuxuu kamid ahaa Taliyaashii ugu caansanaa Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dowladdii Kacaanka Jaalle Siyaad Barre, wuxu soo noqday Taliyihii Qeybta 21aad ee magaalada Dhuusamareeb iyo Taliyihii Qeybta 26aad ee Gobollada Waqooyi oo  fadhigeedu ahaa Hargeysa ilaa uu noqday Wasiirkii Gaashaandhiga dowladdaasi Militariga ahayd.

PUNTLAND POST