Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo isfaham ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo dhawaanahan ku sugan dalka Imaaraatiga Carbeed ayaa lagu wadaa in ay maanta yimaadaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo shir hoose ku yeeshay dalka Imaaraatiga UAE ayaa isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana wararku sheegayaan in ay ku ballameen wada shaqayn buuxda.

Isfahamkooda kaddib waxay u soo safrayaan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaasi oo ay ka bilaabayaan dhaq dhaqaaqyo ay ku taageerayaan isbaheysiga siyaasiyiinta mucaaridka ah, kuwaasi oo la filayo in shir ka dhan ah qorshaha Villa Somalia uu Arbacada uga furmo magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST