
La-taliyaha Madaxweyne Deni u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dadweynaha oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Hurre ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland in ay fasiraad qaldan ka bixinayaan Hawlgalka Calmiskaad ee ka dhanka ah argagixisada Daacish.
Axmed Hurre oo ay xidid yihiin Madaxweyne Deni, islamarkaana qandaraas mashaariic ka haysta Madaxtooyada Puntland ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaridsan dowladda in ay hawlgalka Calmiskaad ku tilmaameen mid macdan baaris ah si ay fasiraad qaldan uga bixiyaan dagaalka cirib-tirka Argagixisada.
“Maanta iyadoo ciidamadii dagaal ku jiraan oo buuraha qarfada ah lugaynayaan in lagu jees jeeso oo la dhaho macdan baa lagu baaranaya waa wax aad looga xishoodo. Wax la aqbali karo maaha Siyaaasiyiinta Reer Puntland ee fasiraadsa qaldan iyo dicaayadda ka faafinaya dagaalka Argagixisada ee wiilasheennu ku dhimanayaan kuna tilmaamaya ciidanka kuwa macdan lagu guranayo” ayuu yiri Hurre.
“Dalkan dowlad buu leeyahay waa la maalgelinayaa, mana aha in la yidhaahdo; gaajaa loo tahriibayaa, haddana la diido maalgashiga, in macdanta laga shaqeeyo waa horumar” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Cabdi Hurre isagoo difaacaya hawlaha macdan qodista ee la sheegayo in ay waddo xukuumadda Madaxweyne Deni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.