Baaq iyo digniin adag oo laga soo saaray boobka kheyraadka iyo Macdanta degaannada Puntland

Dr. Guuleed Saalax Barre oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa soo dhaweeyay baaq wadajir ah, oo ay soo saareen Isimada Dhaqanka Gobolka Bari, kaasi oo ay uga digeen xukuumadda Madaxweyne Deni boobka kheyraadka iyo macdanta degaannadaasi.

“Isimadu waxay kadigayaan isku dirka, kicinta iyo fidmadkasta oo ka dhalata deganada Dadku kala daganyiihin iyagoo tixraacaya Hadalkii ka soo yeeray dawaldda ee ahaa “dawaladu shaqadeedu waa inay dalka iib gayso” degaankasta dad ba dagan ama ilaashada waxayna abuuri kartaa kooxo hubaysan, Dagaal sokeeye, sidii aan horay u soo araganay Majiyahan iyo dhalan” ayaa lagu yiri baaqa Isimada Gobolka Bari.

Dr. Guuleed Saalax ayaa ku raacay Isimada Gobolka Bari digniintooda ku saabsan in dowladdu joojiso boobka kheyraadka iyo macdanta oo sifo aan sharci ahayn loo marayo “Waxaan adkaynaynaa talada Isimada ee ku aaddan hannaanka looga faa’iideysanayo khayraadka deegaanka, gaar ahaan Macdanta. Madaxweynaha iyo koxdiisa waxaan la wadaagaynaa cawaaqib xumada amni iyo bulsho ee ka dhalanaysa hirgelinta qorsheyaasha jariifka sharci darrada ah ee khayraadka barriga iyo badda.”

Baaqyada ka imaanaya Isimada iyo Siyaasiyiinta Puntland ee ka digaya boobka kheyraadka iyo macdanta ayaa bilowday kaddib markii dhawaan Madaxweyne Deni uu sheegay “in dowladda dalka iib-geynayso” islamarkaana uu xaqiijiyay warar isa soo tarayay oo tibaaxayay in dowladdu ku hawllan tahay macdan qodis aan sharci ahayn.

PUNTLAND POST