Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo sheegay in aysan magaalada Ceerigaabo mudnayn colaad danbe

Xildhibaan Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in aysan magaalada Ceerigaabo mudnayn in colaad danbe lagu wajaho, balse loo baahan yahay in si nabad ah loogu celiyo dadkii uga qaxay dagaalladii hore.

Xildhibaan Cabdikhaaliq oo xalay hadalkan ka jeediyay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa sheegay in aysan jirin cid xoog iyo awood ku haysan karta magaalada Ceerigaabo, islamarkaana qabiillada ku dhaqan halkaasi ay u baahan yihiin in ay nabad ku wada joogaan sidii hore loo wada degganaa ka hor inta aysan colaaddii dhawaan dhicin.

“Ceerigaabo waxa wada deggan dad ku kala abtirsada Puntland iyo Somaliland marka midna lagama saari karo magaalada si kan kale ugu noolaado, inaguna xoog kuma haysan karno inta reer Somaliland ka saarno sidoo kale Somaliland xoog kuma haysan karto intay dadkii reer Puntland ka saarto marka waajin waxa ah in dadka si nabad ah loogu celiyo” ayuu yiri xildhibaan Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo horay uga hadlay arrinta Ceerigaabo ayaa sheegay in ay nabad ku wajihi doonaan xaaladda degaankaasi oo aysan marnaba raadinayn in colaad danbe ka dhacdo wixii ka danbeeyay dagaalladii bishii December ee sannadkii tegey 2024 ku dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo.

PUNTLAND POST