Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo maanta dhagax-dhigay Mashruuca Biya-saarka Garoowe

Qaar kamid ah Golaha Wasiiradda dowladda Puntland oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Garoowe ayaa si wadajir udhagax dhigay Mashruuca Biyo-saarka Garoowe.

Sido kale Munaasibada Dhagax-dhiga mashruuca Biyo-saarka Garoowe waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, dowladda hoose iyo qeybaha  kala duwan ee bulshada kunool Caasimadda Garoowe.

Xoghayaha Dowladda Hoose, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Qaar kamid ah Waxgradkii ka hadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay Hirgalinta mashruucaan muhiimka ah ee laga hirgaliyo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Duqa Caasimadda Garoowe ayaa sheegay in mashruuca Biyo-saarka Garoowe uu ahmiyad weyn uleeyahay Hormarka Caasimada Garoowe. Sido kale Duqa ayaa umahadceliyay shacabka caasimadda gaar ahaan xaafadaha laga shaqaynayo Mudada mashruucu socdo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha,  Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Dowladda Puntland iyo Wasiirka Howlaha Guud ayaa bogaadiyay mashruuca waxa ayna bulshada Caasimadda ka codsadeen Dowladda hoose iyo Shirkada Dhisaysa  Mashruuca in ay kala shaqeeyaan sidii mashruuca looga guul gaari lahaa.

PUNTLAND POST