
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay ku sheegtay in Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor uu Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets.
“Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Puntland (UNTMIS) Mr. Evert Kets” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Puntland.
“Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Siyaasada , Amniga oo uu ugu horeeyo guulaha laga gaaray Hawlgalka Hilaac ee la dagaalanka Daacish iyo xaalada guud ee dalka gaar ahaan Puntland” ayuu sii raaciyay Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ee looga Warbixiyay Kulankaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.