
Guddiga ka socda Golaha Wakiillada ee Kormeerka ku tegay Gobolka Mudug ayaa Maanta booqday goobaha ay fariisteen biyaha Roobaadkii dhawaan ka da’ay Magalada Galkacyo.
Mudaneyaasha waxaa Kormeerka ku wehliyey Guddoomiyaha Gobolka, ku-simaha Duqa Gaalkacyo, Xubno kamid ah Golaha Deegaanka iyo Guddoomiyaha ururka haweenka, iyagoo ka dhegeystay warbixin ku saabsan xaalada haysata shacabka Magaalada iyo sidii loo heli lahaa qorshe xal dhab ah loogu heli Karo biyaha fariista xaafadaha Gaalkacyo.
Sidoo kale, Guddiga ayaa booqday Cisbitaalka guud ee Gobolka, halkaas oo ay warbixin kaga dhegeysteen Agaasimaha Cisbitaalka, isagoo Xildhibaannada la wadaagay shaqada Cisbitaalka, caqabadaha jira iyo horumarka lagaaray.
Ugu dambeyn, Guddiga ka socda Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in biyo saarka Gaalkacyo ay muhiimad weyn u leedahay Dawladda Puntland, islamarkaana lagu dedaalo in laga mira dhaliyo si meesha looga saaro caqabada ka haysata Shacabka Gaalkacyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.