
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifo-jabsade), oo xalay hadal ka jeediyay Kulan lagu qabtay magaalada Galkacyo ayaa shaaciyay in dowladda Puntland fasaxday Mashruucii dhismaha laamiga xiriiriya Xarfo ilaa Galkacyo.
“Wadadii waa la ansixiyey dowladduna waa ogolaatay waxaana tartan loo qabanayaa shirkadihii qandaraaska dhismaha qaadan lahaa kadibna si deg deg ah ayaa loo bilaabayaa, wasiiradii loo soo diray ayaana imaanaya ilaa habeen dambe” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Jifo-jabsade.
“Tabasahda aan qabno reer Galkacyood waxaa la rabaa inay noqoto tabasho togan oo dadkana wax u taraysa sharafna u ah ayaa laga rabaa, in laysla xisaabtamo ceeb ma ahan laakiin waxaa la rabaa inaan gudbino tabasho qaynuunka waafaqsan” ayuu sii raaciyay guddoomiye Jifo-jabsade.
Kulankii xalay ayaa ku saabsanaa xal u helida cabashooyinkii maalmahan ka imaanayay bulshada Gobolka Mudug oo ay ka muujiyeen hakadka ku yimid mashruuca dhismaha waddada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo, dayactirka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo iyo ka saarista biyaha roobka ee magaalada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.