Mileeshiyaad gadoodsan oo saaka qabsaday xarunta Dowladda Hoose ee degmada Galdogob ee Gobolka Mudug

Mileeshiyaad gadoodsan ayaa saaka qabsaday xarunta Dowladda hoose ee degmada Galdogob, kaddib markii xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Arrimaha bulshada Dowladda hoose ee Galdogob.

Mileeshiyaadkaasi hubeysan oo diidan xilka qaadista lagu sameeyay xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Arrimaha bulshada Dowladda hoose ee Galdogob, Cabdiqani Cabdinuur Cismaan ayaa guud ahaan la wareegay Xarunta Dowladda hoose ee degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Kooxda gadoodsan ayaa dalbanaya in dib xilkiisi loogu soo celiyo Agaasimihii Agaasimihii Arrimaha bulshada Dowladda hoose ee Galdogob, Cabdiqani Cabdinuur Cismaan, kaddib markii khilaaf maamul ka dhashay xilka qaadistiisa, waxaana mileeshiyaadka xarunta degmada qabsaday ay sheegayaan in aysan ka baxayn ilaa laga laabto xilka qaadistaasi.

Mas’uuliyiinta degmada iyo odayaasha degaanka ayaa hadda ku hawllan xal u helidda khilaafkaasi ka dhashay xilka qaadistii Agaasimihii Agaasimihii Arrimaha bulshada Dowladda hoose ee Galdogob, Cabdiqani Cabdinuur Cismaan, waxaana ay wada-hadal kula jiraan mileeshiyaadkii qabsaday xarunta Dowaldda hoose.

PUNTLAND POST