Guddi ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo maanta kormeeray Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

Guddiga ka socda Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa maanta u kuurgalay habsami u socodka shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Guddiga waxaa garoonka si diirran ugu soo dhaweeyey Maareeyaha Garoonka iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka, kuwaas oo xildhibaannada tusay qeybaha kala duwan ee garoonka iyo sida ay u shaqeeyaan.

Kormeerka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ku-simaha Duqa Degmada Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka.

Intii uu kormeerku socday, Guddigu wuxuu warbixin faahfaahsan ka dhageystay Maareeyaha Garoonka iyo saraakiisha la shaqeysa, kuwaas oo ka warbixiyey horumarka la gaaray, caqabadaha heysta shaqada garoonka, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee horumarinta adeegyada duulista.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada ee lagu xaqiijinayo in hay’adaha dowladda ay si hufan u gutaan waajibaadkooda.

PUNTLAND POST