Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo

Xiisad ku salaysan xuduud gobol ayaa ka dhex aloosan Puntland iyo SSC-khaatumo, kaddib markii ciidanka Booliska Khaatumo ay shalay galeen degmada Shaxda oo ka tirsan gobolka Karkaar ee Puntland, islamarkaana ku tilmaameen degaan ka tirsan degmada Taleex.

Sidoo kale waxaa degaankaasi Shaxda gaaray mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Karkaar ee Puntland, waxaana halkaasi ka dhashay is-maandhaaf labada dhinac ah, iyadoo ugu danbayn magaalada laga saaray ciidankii ka yimid dhinaca SSC-khaatumo, kuwaasi oo ku laabtay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Saacado kaddib, Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo qoraal soo saaray ayaa mileeshiyaad ku tilmaamay ciidankii Khaatumo ee soo galay degaanka Shaxda, oo siday sheegeen laga saaray magaalada, waxayna si adag uga digeen in aysan mar danbe ku soo laaban degaankaasi.

“Maleeshiyaadkii waa laga saaray degmada, waxaana hadda xaaladda degmada Shaxda ay tahay mid deggan, iyadoo si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Booliska” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Puntland oo looga warbixiyay xiisaddii ka dhacday degaanka Shaxda.

Xiisaddan ayaa imaanaysa xilli uu sii xumaanayo xiriirka Puntland iyo khaatumo oo aan weli si rasmi ah u kala bixin, kaddib markii uu hoggaamiye Firdhiye uu garab istaag u muujiyay Villa Somalia oo colaad siyaasadeed kala dhexayso xukuumadda Puntland.

PUNTLAND POST