
Heshiis nabadeed oo lagu xalliyay dhacdo ka dhalatay dilkii Marxuum Maxamuud Jaamac Cabdi Warsame ayaa ka dhacay degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug, kadib dadaallo is-daba joog ah oo ay sameeyeen sameeyay mas’uuliyiinta degaanka iyo odayaasha dhaqanka beelaha.
Beesha uu ku dhintay marxuum Maxamuud Jaamac Cabdi Warsame ayaa soo qabatay gacan ku dhiiglihii dilka geystay, waxayna beeshu ku wareejisay Qoyskii uu ka dhintay marxuumka si loo waafajiyo shareecada Islaamka. Qoyskii uu ka baxay Maxamuud ayaa dhankiisa ku beddelay in uu ka qaato mag si waafaqsan shareecad Islaamka.
Heshiiskani dhexmaray labada dhinac ayaa lagu gaarey is afgarad ballaaran, waxaana lagu go’aamiyey in lagu kala baxo diyada ah boqol halaad (geel ah), beesha uu ka dhintay marxuumku ayaana si rasmi ah u aqbashay una soo dhaweysay magtaas, waxaana lagu heshiiyey in lagu bixiyo muddo siddeed bilood ah, taasi oo ay qabsatay beesha bixineysa. Sidoo kale, beesha ayaa bixisay duugtii iyo qorigii, taasi oo qayb ka ah dhaqanka lagu xalliyo dhacdooyinka noocan oo kale ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.