
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa saaka si rasmi ah Garoowe uga daah-furay Imtixaankii shahaadiga ahaa, oo ay sanadkaan u fariisteen 23,768 oo arday ah.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Fu’aad Abshir Adeer oo ka warbixiyay Imtixaanka ayaa sheegay in ay u fariisteen 23,768 arday oo ku sugan dhammaan gobollada Puntland islamarkaana lagu galayo 151 xarumood oo ku yaalla 33 degmo.
“Mudane Madaxweyne waxaa maanta sharaf noo ah inaad nagu hoggaamiso daahfurka imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2024/25, waxaa la bilaabay in imtixaanaadka dugsiyada la mideeyo 2003.”
“Maanta waxay maraysaa inaan qaadayno imtixaan midaysan oo sugan dhammaan goboladeeda halmar la daahfuro, waxaa maanta fariisanaya 23,768 arday oo isugu jira fasalada 8aad iyo 12aad, waxaana lagu galaya 151 xarumood oo ku yaalla 33 degmo” ayuu yiri Fu’aad Adeer.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo daah-furay Imtixaanka ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ardayda reer Puntland, wuxuuna Alle uga baryey inuu imtixaanka u fududeeyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.