
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in urur siyaasadeedkii dhawaan Villa Somalia ku dhawaaqday ee la baxay Caddaaladda iyo Wadajirka uu ahaa tub loo marayo mudda kororsi sharci-darro ah.
Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo wareysi bixiyay ayaa ku eedeeyay Villa Somalia in ay qaaday jidkii mudda kororsiga, kaddib markii ay ku dhawaaqday urur siyaasadeed la baxay Caddaaladda iyo Wadajirka oo uu ku tilmaamay hannaan loo marayo mudda kordhin.
“Villa Somalia waxay ku dhawaaqday mudda kordhin, urur siyaasadeedka lagu dhawaaqay waa platform loo marayo mudda kordhin” ayuu yiri wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland oo wareysi bixinayay, islamarkaana ka hadlayay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
Wasiir Faroole oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd sababtii Puntland uga baxday shirarkii Siyaasadeed ee Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in ugu horrayn-ba markii Xasan Shiikh uu xilka qabtay uu bilaabay siyaasad ku dhisan “sidee kursiga ku sii fadhidaa” islamarkaana uu qaaday jid aan heshiis lagu ahayn.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.