Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo xalay booqday dekedda Boosaaso oo ay ka dhoofayeen in ka badan 80 kun oo neef

Mas’uuliyiinta ka tirsan Xukuumadda Puntland oo ku sugan Boosaaso ayaa xalay booqday dekedda Boosaaso, oo ay ka dhoofayeen xoolo loo iib-geynayo dalalka Carabta.

Labo ka mid ah Maraakiibta waawayn ee xoolaha iyo Shan Doonyood ayaa xalay qaaday in ka badan 80,000 oo neef, kuwaasi oo loo iib-geeyay dalalka Carabta ee xiriirka ganacsi la leh Puntland, oo ay ku jiraan Sacuudi, Cummaan iyo Yemen.

Munaasabadda dhoofka Maraakiibta iyo Doonyaha qaadaya coolaha waxa ka qaybgalay Wasiirka wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka dekedaha, Wasiirka Ganacsiga, Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Taliyaha dekedda Boosaaso iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan dowladda Puntland.

Maxjarada dowladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso, waxaa ku jira xoolo aad ubadan oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Ari oo si weyn looga shaqeeyey daryeel kooda Caafimaad dhowaana ka dhoofi hadii Alle idmo doono dekeda Bosaso.

PUNTLAND POST