
Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay un siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Mudug oo horay Puntland ugu soo horkacay Itixaad iyo maxaakiintii ay mar kale maanta Gaalkacyo ka abaabulayaan qalalaase amni, si ay dhabar-jebin ugu sameeyaan hawlgalka Calmiskaad.
Xildhibaan Dhaashane oo wareysi bixiyay ayaa ku eedeeyay siyaasiyiintaasi in ay mar kasta horgal u yihiin cadowga Puntland laga soo bilaabo argagixisadii Itixaad iyo Maxaakiinta la baxay ilaa maanta, oo ay Villa Somalia u xil saartay in ay qalalaase iyo fowdo geliyaan magaalada Gaalkacyo, si ay dhabar-jebin ugu sameeyaan hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad.
“Mudug Waxa ka jira niman siyaasiyiin ah oo asalkoodii hore Itixaad iyo Maxaakiin u soo horkacay Puntland, islamarkaana dabeecad u leh Mudug markii Raggu ka tego oo Cadowga la dirirayo in ay dhabar-jebiyaan oo dumarka iyo Carruurta u daba maraan, waana kuwa hadda qalalaasaha iyo fowdada Xasan Shiikh u soo xil saaray ka abaabulaya Gaalkacyo si ay u dhabar-jebiyaan Hawlgalka Calmiskaad ee Raggii ku maqan yahay” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane.
Wuxuu intaasi raaciyay in mar kasta oo siyaasiyiintaasi soo raacaan Cadowga Puntland aysan guulaysan jirin, haddana ku fashilmi doonaan qalalaasaha iyo fowdada ay ka abaabulayaan magaalada Gaalkacyo, oo sida uu sheegay ay mashruuc kaga soo qaateen Villa Somalia, si ay Puntland uga mashquuliyaan hawlgalka Calmiskaad ee sifaynta mileeshiyaadka Daacish.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.