Puntland oo soo saartay go’aanno ku saabsan xakamaynta xiisad ka taagan degaan ka tirsan gobolka Mudug

Dowladda Puntland oo xal u raadinaysa xiisad ka taagan degaanka Xero-jaalle oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa soo saartay go’aanno ku saabsan xakamaynta xiisaddaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo booqday degaanka Xero-jaalle, islamarkaana kulamo la yeeshay odayaasha degaankaasi ayaa go’aamiyay dhawr qodob oo xal u noqon kara xiisad beeleed ka aloosan degaanka kaddib dil ka dhacay halkaasi.

Mas’uuliyiinta dowladda, waxgaradka Xero-jaalle iyo odayaal dhex-dhexaadinayay labada beelood ayaa ugu danbayn isku raacay in mudda saddex cisho gudahood ah lagu kala qaado mileeshiyaadka labada dhinac, si loo hirgeliyo xabbad-joojin shuruud la’aan ah.

Dhinacyada ayaa sidoo kale ku heshiiyay in mudda 30 cisho gudahood ah lagu soo qabtay shan eedaysane oo loo haysto dilka marxuum Mahad Yuusuf Shabeel, oo ay ka bilaabatay xiisaddan labada beelood.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sidoo kale mahadceliyay dhammaan odayaasha, waxgaradka iyo bulshada degaanka oo muujiyay dulqaad iyo rabitaan nabdeed, waxaana tallaabo weyn ku tilmaameen isfahamka laga gaaray xiisaddii taagnayd.

PUNTLAND POST