
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali (Jifo-jabsade) oo maanta hadal ka jeediyay magaalada Gaalkacyo ayaa ciidanka PSF ku eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen dilalkii qorshaysnaa iyo madax-jebiskii laga raystay ee ka dhici jiray Gaalkacyo.
Guddoomiye Faysal Jifo-jabsade oo aan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedayntan culus ayaa sheegay in maalintii Ciidanka PSF shaqada laga joojiyay wixii ka danbeeyay aan qofna lagu dilin Gaalkacyo madax-jebis danbena ka dhicin, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay ciidanka PSF in aysan weligood soo qaban qof loo haysto dilalkii ka dhici jiray Gaalkacyo, taasi beddelkeeda wuxu sheegay in iyagu(PSF) ka daba imaan jireen qofkii lagu qabto madax-jebis, si ay xabsiga uga sii daayaan, taasina fasir u baahan tahay.
“Maalintii shaqada laga joojiyay ciidamada uu madaxda ka yahay ina Diyaano, wixii ka danbeeyay Gaalkacyo qofna laguma dilin midna madaxa laguma jebin, weligoodna hal qof oo madax-jebin ah may soo qaban, kuwii la soo qabtayna iyaga (PSF) ayaa daba socda, arrintaasi fasir bay u baahan tahay” ayuu yiri Jifo-jabsade.
Halkaan ka daawo Hadalka Jifo-jabsade
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.