
Dowladda Maraykanka oo muuqaal kooban baahisay ayaa soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay duqeyn xooggan oo ay maalmo ka hor ka fulisay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Muuqaalkani kooban oo uu baahiyay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa muujinaya xubno ka tirsan firxadka mileshiyaadka Daacish, oo ay toos u duqeynayaan diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, islamarkaana aysan cidna ka baxsan intii wada socotay ee taarget-ku ahaa.
Aqalka Cad ee Maraykanka oo qoraal yar raaciyay Muuqaalkani ayaa xaqiijiyay in uu halkaasi ku dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka argagixisada ah, balse ma sheegin faahfaahin intaasi ka baxsan oo ku saabsan goobta duqeynta laga fuliyay.
Dowladda Maraykanka oo bishii Febraayo ee sannadkan bilowday duqeymahan ay ku caawinayso hawlgalka dhulka ee Ciidamada Puntland ku burburinayaan mileeshiyaadka Daacish ayaa tan iyo xilligaasi marar kala duwan shaacisay in ay beegsatay xubno ka tirsan kooxdaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.