
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo uu shir deg deg ah kula yeelanayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Ilo wareedyo ku sugan Boosaaso ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Deni uu ku sii jeedo magaalada Nairobi, halkaasi oo uu markii ugu horraysay shir kula yeelan doono Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo aysan xiriirkoodu wanaagsanayn wixii ka danbeeyay doorashadii Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Xiriirka Axmed Madoobe iyo Siciid Deni uu dhawaanahan soo kabanayay, islamarkaana Shirkooda Nairobi uu salka ku hayo sida loo wajahayo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Villa Somalia waddo, oo ay si adag uga horjeedaan labada hoggaamiye ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.