Dhul-gariir siyaasadeed oo ku soo wajahan Soomaaliya

W.Q: Cawil Sheekh Xaamud

Sidaan horay qoraal arrintaan uga sameeyey, waxaan cinwaankan u doortay maqaal lagu qoray Al-jazeera oo cinwaan looga dhigay: WAA MAXAY SABABTA TRUMP UGU DEGDEGAYAA IN UU AQOONSADO SOMALILAND.

Maqaalka oo aad u dheeraa ayaan sidaan ku soo koobay.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhiiri gelinaaya in Maraykanku goonni ahaan u aqoonsado Somaliland, isagoo aan la tashan bulshada caalamka ayaa ah;

– Daraasaddii ay samaysay kaaliyihii hore ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Jendayi Fraser, oo ugu baaqday Maraykanka in uu Somaliland aqoonsato.

– In warbixintii ay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Condalesa Rice, Maraykanku ku aqoonsaday Kosovo ay ku habboontahy in lagu meel mariyo aqoonsiga Somaliland.

Darassaddu waxay adkaynaysaa in ay jirto, xukuumad xasilloon oo ilaalinaysa amniga iyo xuduudaha, in ay ku dhaqanto nidaam dimuqraaddi ah oo ka hormarsan dimuqraadiyadda ka jirta gobollada kale, iyo in aysan jirin wax suurtagal ka dhigaaya in ay Soomaliya dib ugu biirto kadib 30 sano.

Daraasaddu waxay xooga saartay faa’iidooyinka Maraykanku ka helaayo aqoonsiga Somaliland;

– In ay ilaaliso amniga Badda Cas.

– In saamaynta Maraykanka iyo xulufadiisa ee Gulf of Adan iyo Baabu-Almandab ay sii xoogaysanayso.

– La dagaallanka burcad-badeeda iyo ilaalinta ganacsiga caalamiga ah.

– Iyo in laga hortago khatarta sii siyaadaysa ee Xuuthiyiinta.

Daraasaddu waxay aad u yaraysatay oo aysan waxba ka soo qaadin ficil celinta caalamka iyo gobolkaba, gaar ahaan jawaabta Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Daraasaddu waxay soo jeedisay in maal lagu harqiyo oo lagu aamusiyo Soomaaliya iyo in Afrika laga dalbo in ay aqoonsato Somaliland siday u aqoonsatay Sahrawi Arab Demoqratic Rebublic (SADR) ama loo yaqaan Western Sahara.

W.Q: Cawil Sheekh Xaamud

Source. Al-jazeera Arabic