Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ku dilay horjoogihii Daacish u qaabilsanaa xiriirka dibadda iyo keenista ajaanibta

Horjooge Axmed Muuse Beeldaaje

Ciidamada difaaca Puntland oo Khamiistii 15-kii bishan May hawlgal cir iyo dhul ah ka fuliyay degaanka Gurya-samo ee buuraha Calmiskaad ayaa hawlgalkaasi ku dilay madaxii Arrimaha dibadda iyo Keenista ajaanibta u qaabilsanaa kooxda Daacish, Axmed Muuse Siciid oo ku magac dheeraa (Beeldaaje).

Khaarijin kaddib Sirdoonka Puntland ayaa qaatay meydka hoggaamiye Axmed Muuse, kaasi oo ay hubin ku sameeyeen, islamarkaana xalay si rasmi ah u shaaciyeen dilkiisa, waxaana ay sheegeen in uu kooxda Daacish u qaabilsanaa xiriirka Arrimaha dibadda iyo Keenista ajaanibta ku biiraya mileeshiyaadkooda.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur oo xaqiijiyay dilka hoggaamiye Axmed Muuse Beeldaaje ayaa sheegay in uu ahaa nin halis badan oo ay ku raad-joogeen ciidamada Puntland, maadaama uu qaabilsanaa keenista ajaanibta Caalamiga ah ee u dagaallanta argagixisada Daacish.

Axmed Beeldaaje wuxuu ka soo jeeday Puntland, gaar ahaan Gobolka Bari, balse wuxu ku soo barbaaray dalka Imaaraatiga Carbeed, halkaasi oo uu ku Kasbaday Aqoontiisa luuqadaha, khibradiisa diblomaasiyadeed, iyo xiriirada uu la lahaa shabakado dibadeed, taasi oo ka dhigtay shakhsi aad muhiim ugu ahaa Daacish.

PUNTLAND POST