
Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf Jibriil oo ka soo jeeda degaannada Puntland ayaa ku eedeeyay Villa Somalia in ay colaad sokeeye ka abaabulayso magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Siyaasi Cabdibarre Jibriil oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in mas’uuliyiin u dhashay Puntland oo xilal ka haya dowladda Xasan Shiikh ay Gaalkacyo ka abaabulayaan mileeshiyaad hubaysan, si ay qalalaase amni uga sameeyaan magaalada kaddib markii Villa Somalia u xilsaartay qorshahaasi.
” Xasan Shiikh awood uu Puntland ama Gaalkacyo ku soo weeraro ma hayo, laakiin wuxu adeegsanaya shakhsiyaad calooshood u shaqaystayaal ah oo qanjir ku noqday Puntland kuwaasi oo lacago lagu soo siiyay barakicinta dadkooda iyo burburinta magaaladooda Gaalkacyo, waana kuwa u dhashay Puntland ee xilalka u haya Villa Somalia” ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf Jibriil.
Wuxuu sidoo kale sheegay in abaabulka colaadda Gaalkacyo lagu doonayo fashilinta dagaalka Calmiskaad ee dowladda Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah ee Daacish oo weli firxadkoodii ciidamadu baacsanayaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.