
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka degaanka ayaa ku guulaystay in ay xalliyaan xiisad dhawaanahan ka taagnayd degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, taasi oo u dhexaysay ciidanka Booliska iyo bulshada degaankaasi.
Xiisadda ayaa daba-socotay isku dhac hubaysan oo Jimcihii hore ka dhacay degmada Eyl, islamarkaana sababay dhimashada hal nin iyo dhaawaca saddex kale, kaddib markii iska hor-imaad hubaysan dhexmaray ciidanka Booliska degmada Eyl iyo dhalinyaro gadoodsan oo ka soo jeeda degaankaasi.
Dhacdadaasi waxa ku dhintay Cabdirashiid Abshir Muuse (Sanco) oo kamid aha dhalinyarada degaanka, kaasi oo mudda 10 cisho ah meydkiisu tallaagad ku jiray intii lagu hawllanaa xallinta xiisaddii taagnayd balse ugu danbayntii lagu heshiiyay in maanta la aaso, islamarkaana dowladdu bixiso magta marxuumkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.