
Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa lagu wadaa in dhawaan laga wareejiyo wasaaradda, islamarkaana uu noqdo Ra’iisul wasaare ku xigeen saddexaad oo ay yeelanayso DFS.
Ilo wareedyo sugan oo ka tirsan Villa Somalia ayaa xaqiijinaya dhawaan wasaaradda Arrimaha gudaha laga wareejin doono xildhibaan Cali Xoosh oo laga soo doorto Puntland, kaasi oo la filayo in uu noqdo Ra’iisul wasaare ku xigeenka saddexaad ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wararku waxay sheegayaan in wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha Soomaaliya loo magacaabi doono xildhibaan Cismaan Cali Yuusuf (Cismaan Dheere) oo sidoo kale laga soo doorto Puntland, kaasi oo soo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ka hor inta uusan ku biirin Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cismaan Dheere ayaa sidoo kale xubin ka ah koox Villa Somalia u qaabilsan qorista iyo abaabulka mileeshiyaad laga abuuray magaalooyin ka tirsan Puntland, si culays loogu saaro Siciid Deni oo ay dano shakhsiyeed ku muransan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.