
Ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka BUQO ee buuraha Calmiskaad ayaa la wareegay ceelashii ay ka dhaansan jireen mileeshiyaadka Daacish ee laga saaray degaanka Guryo-samo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo faahfaahin ka bixiyay hawlgalkaasi ayaa sheegay in ay la wareegeen ceelkii ugu caansanaa degaanka Buqo-caleed, kaasi oo ay ka dhaansan jireen mileeshiyaadka argagixisada Daacish ee maalmo la hor laga saaray degaanka Gurya-samo ee buuraha Calmiskaad.
“Ceelka la yiraahdo Ceel baxay baan qabanay ilaahay mahaddiis wax khasaare ah nagama soo gaarin, waxaan idin sheegaynaa in nimankii la oron jiray Daacish laga adkaaday. Meel kasta oo reer Puntland joogaan ama Soomaali joogtana waxaan u rajaynaynaa guul iyo caafimaad iyo barwaaqo” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalkii u danbeeyay ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradaha dagaalka, ee ay dhawaan keensatay Puntland, kuwaasi oo ciidamada ka caawinaya duqeymaha dhinaca cirka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.