
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska dhexe ee Garoowe mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobey oo u qaabilsan dhawrista Xuquuqda Aadanaha.
Warbixin uu soo saaray Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland ayuu ku sheegay in mas’uuliyiinta Qaramada Midoobey uu hoggaaminayay u qaybsanaha Qaramada Midoobay ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Mr. Ben Saul.
“Kulankaas waxaa looga wada hadlay raadinta xaqiiqooyinka xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha, xadgudubyada xuquuqda aadanaha, la-dagaallanka argagixisada, saamaynta xasilooni darrada iyo barakaca bulshada goobaha dagaalkada” ayaa lagu warbixinta Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland.
Saraakiisha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waxay ka warbixiyeen xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha Puntland, doorka xafiisku ka qaatay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Puntland, qorshayaasha iyo waxyaabaha la gaaray, xiriirka wadashaqayneed ee hay’addaha dawladda Puntland, iyo talooyin ku aaddan xoojinta kor-joogtaynta iyo iskaashiga bahwadaagta xuquuqda aadanaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.