
Firxad ka tirsan mileeshiyaadka Daacish, oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sare, kuwaasi oo ka cararay aagga Miraale ayaa u baxsaday halka lagu magacaabo SADOW iyo Yucurun oo ka tirsan togga Baalade.
Ilo wareedyo amni oo ku dhaw hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegaya in firxadkaasi oo uu kamid yahay horjooge Cabdiraxmaan Faahiye ay u baxsadeen godadka SADOW iyo Yucurun oo ku yaalla togga Baalade, halka aagga Miraale ay ku reebeen xoogaa ajaanib ah oo kooxo-kooxo u fadhiya.
Baxsadka horjoogayaasha Daacish, oo ay weheliyaan dumar iyo carruur ayaa bilowday, kaddib markii ay dowladda Puntland keensatay diyaarado dagaal oo kuwa hawlgallada deg deg ah iyo duqeymaha fuliyaa, islamarkaana ay ku dhawaaqday in ay bilowday hawlgal wadajira oo cir iyo dhulba ah.
Hawlgalkan ayaa ka duwan hawlgalladii hore ee Calmiskaad, maadaama ay hadda wada socdaan ciidamada cirka iyo kuwa dhulka oo hal mar wada fulinaya hawlgalka sifaynta firxadka mileeshiyaadka Daacish ee ku harsan aagga Miraale iyo Baalade oo xiga dhinaca Boosaaso.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.