
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq oo uu kaga qaybgali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.
Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda, siday shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ku soo bandhigi doona khudbad ku saabsan halganka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab, kuwaas oo ay dowladdu dagaal kula jirto, siday sheegtay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadashay socdaalka Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo magaalada Baqdaad kulan duceedyo la qaadan doona madaxda ka soo qeyb-gelaysa meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.