
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka, Maxamed Baari Shire, ayaa kormeer ku tagay aagga laga dhisayo dekedda cusub ee dhoofka xoolaha iyo maxjarka casriga ah ee magaalada Boosaaso.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in dekaddan cusub, oo mustaqbalka laga hirgelinayo bariga dekedda weyn ee Boosaaso, ay noqon doonto xarun istiraatiiji ah oo xoolaha nool looga dhoofiyo Puntland, taas oo si weyn u kordhin doonta dakhliga gobolka, abuuri doonta fursado shaqo, islamarkaana xoojin doonta koboca dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, maxjarka cusub oo dhawaan xariga laga jari doono, oo ah xarun casri ah oo lagu baaro, daryeelo laguna naaxiyo xoolaha kahor dhoofkooda, ayaa door weyn ka qaadan doona hubinta tayada xoolaha loo dhoofinayo suuqyada caalamiga ah, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida beesha caalamka ee xoolaha Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.