
Beeraleyda Puntland ayaa wajahaya khasaare ba’an oo gaaraya 89% tacabkoodii qudaarta, gaar ahaan basasha oo ahayd dalagga ay si weyn ugu tiirsanaayeen kana heli jireen dakhliga ugu badan oo ay ku maareeyaan kharashaadka beertooda.
Qiimaha basasha ayaa hoos u dhacay si aan horey loo arag, iyadoo halkii kiilo oo basasha ah oo horey ugu kacaysay $0.7 ilaa $1.2 ay hadda gaartay $0.25 ilaa $0.35. Hoos u dhacaas degdegga ah ayaa si toos ah u saameeyay dakhliga beeraleyda, kuwaas oo wakhtigan la daalaa dhacaya in ay iska bixiyaan kharashaadka beertooda iyo daymaha lagu leeyahay.
Beeraleydu waxay sheegeen in sababta ugu weyn ee xaaladdan ay tahay basasha ka timaada Yemen oo si baahsan ugu soo qulqulaysa Puntland, gaar ahaan dekedda Bosaso oo ah meesha ugu dhaw ee ganacsatada Yemen isticmaalaan.
Arrintan ayaa timid kadib markii Yemen laga mamnuucay in ay basasha u dhoofiso suuqyadii waaweynaa ee ay ku tiirsanayd sida Sucuudiga, Oman iyo Imaaraadka Carabta, taasoo keentay in basashii Yemen loo leexiyo Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.