
Ilaa 29 qof oo loo haysto eedaymo kala duwan ayaa Garoowe mudda dheer ugu xiran si baalmarsan xeerarka iyo dastuurka Puntland tan oo xaqiijinaysa hadal uu horay u sheegay wasiirka Caddaaladda Puntland.
Wasiir Maxamed Cabdiwahaab oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan Caddaaladda oo 28 December 2024 lagu qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay in saldhigyada Booliska ay sannado badan isaga jiraan dad la iska xirtay, aan wax caddaalada helin, taasi oo ka baxsan xaquuqda insaanka.
Haddaba, Puntland Post ayaa heshay magacyada ilaa 29 qof oo sannado lagu hilmaamay xabsiga Garoowe, kuwaasi oo aan weli helin fursad maxkamadeed oo caddaalad ku dhisan, si ka baxsan xeerarka iy dastuurka Puntland, taasi oo fadeexad ku ah waaxda danbi-baarista C.I.D Garoowe iyo hay’adaha Garsoorka.
Qoysaskooda iyo sharci-yaqaanno madaxbannaan ayaa ku eedeeyay hay’adaha garsoorka iyo kuwa amniga ee Puntland in ay dayaceen waajibaadkooda sharciga ah ee ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
“Waxaan ogaanay in dadkaasi lagu hayo hab xad-gudub ku ah dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayaa laga soo xigtay qareen u dooda xuquuqda maxaabiista oo intaasi raaciyay “Waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo eegaa kiiskooda, maxkamadaha awoodda ulehna ay kiiskooda furaan.”
Hoos ka akhriso 29ka qof magacyadooda



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.