Jubaland oo ku baaqay in deg deg loo badbaadiyo Soomaaliya oo siday sheegtay ku sii dhacaysa god dheer

Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayay ku sheegtay in ay aaminsan tahay in wixii ka dhacay magaalada Muqdisho uu muujinayo xilkasnimo-darrada maamulka Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dalku uu ku jiro halis amni oo xooggan, haddana uu isku diyaarinayo xukun kalitalis ah iyo xisbi la mid ah kii kacaanka, oo aan tabar badan lahayn. 

“Tallaabadaas oo lid ku ah Dastuurka lagu heshiiyey ee heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah JFS, waxay dhaawacaysaa midnimada dalka iyo abaabulka loogu jiro sidii shacabka Soomaaliyeed oo midaysan ay uga hortagi lahaayeen soo rogaal-celinta kooxaha Khawaarijta ah, oo ah halis weyn oo dalkeennu wajahayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.

“Dowladda Jubaland waxay ugu baaqaysaa dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in loo istaago badbaadinta dowladnimada curdanka ah ee aan haysanno, taas oo haddii aan maanta wax laga qaban, god dheer ku ridaysa rajada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada nabadeed ee dalkeenna” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka.

DowladdaJubaland ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya in aysan jirin maanta maalin ay shacabka Soomaaliyeed uga baahi badan yihiin garab istaag dhab ah, isla markaana aan lagu daawan kooxda Xasan Sheekh Maxamuud iyo jihada ay dalka ku wadaan oo aan ahayn dhabihii saxda ahaa. 

PUNTLAND POST