Farmaajo oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu laalay dastuurkii iyo shuruucdii dalka si uu doorasho hal dhinac ah u qabsado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka digay dhibaatada ay leedahay in kooxaysi ku salaysan dan gaar ah laga doorbido wadajirka iyo danta guud ee Soomaaliya, lana geliyo dalka xaalad halis ah oo dhaawacaysa midnimada iyo xasilloonida.

Madaxweyne hore Farmaajo, waxaa uu Maxadaxwene Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS ee lagu doortay, gaar ahaan qodobada 87aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu ka dhabeeyo ballantii Shirka Wadatashiga Qaran ee laga sugayey, talada ballaariyo, kuna hoggaamiyo dalka midnimo iyo wadajir, una soo laabto sharciyadda iyo siyaasad loo dhan yahay oo dalka looga gudbin karo xaaladda uu ku jiro.

“Si gaar ah, waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo abuuray darafyo siyaasadeed oo laga baaqsan karay.”

“Madaxwweyne Xasan Sheekh waa in uu raadiyo dowlad-goboleedyada ka maqan shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka, si loo xaqiijiyo talo loo dhan yahay, doorashada heer dowlad gooboleedna uu u fasaxo Madaxda Dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah ee uu hortaagan yahay” ayuu waraaxaafadeedkiisa ku yiri Madaxweyne hore Farmaajo.

PUNTLAND POST