Mucaaridka Soomaliya oo ku dhawaaqay 5 qodob oo dalka looga badbaadinayo burbur iyo kala tag

Madax hore iyo siyaasiyiin mucaarid ah oo maanta soo saaray Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin ayaa ku baaqay 5 qodob oo ay tahay in deg deg loogu dhawaaqo, si dowladnimada Soomaaliya looga badbaadiyo burbur iyo kala tag.

Warmurtiyeedka ka soo baxay qaar kamid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ayay ku caddeeyeen in ay gebi ahaanba burburtay Madashii Wada-tashiga Qaran, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u dhaqaaqay jidkii mudda kororsiga ee horseedi lahaa abuurista qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

“Ku talinaynaa in degdeg loo guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan xoogagga siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo kalitalisnimo lagu burburinayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.”

“Waxaan Kaga digaynaa in Madaxweynahu ka waan-toobo fidno abuurka uu ugu durbaan tumanayo maamulka Jubbaland, joojiyana xorriyad ka qaadista iyo afduubka siyaasadeed ee uu u adeegsanayo hantida qaranka iyo xilalka dowladda” ayay ku sheegeen warmurtiyeedkooda midaysan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee baaqan soo saaray.

Waxay sidoo kale Ugu baaqeen madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeele iyo Koofur-Galbeed oo muddo xileedkeedu dhamaaday in ay shacabkooda xurmeeyaan, qabtaanna doorasho dastuurka waafaqsan, kana waantoobaan in ay Madaxweynaha ku garabsiyaan burburinta nidaamka Federaalka, si uusan dalku u burburin.

PUNTLAND POST